Dab aad u xoogan ayaa saqdii dhexe ee xalay ka kacay Suuq weyn oo ku yaalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kaasi oo socday saacado badan, soona gaaray salaadii subax ee saakay. Dabka oo markii hore ka bilowday Dukaan ayaa ka kacay Suuqa weyn ee degmada Wadajir, waxaana markii dambe uu kusii faafay goobo Ganacsi oo hor leh, taasi oo keentay in dabka uu sii xoogeysto.
Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in dabkaas uu socday saacado dhowr ah, isla markaana uu baabi’iyay qeybta bacadlaha ee Suuqa, iyadoona uu halkaas kasoo daahay gurmadkii lagu demin lahaa dabkaas.
Khasaaro hantiyadeed oo farabadan ayaa ka dhashay dabka oo soo gaaray goobo badan oo Ganacsi oo ah qeybta lagu iibiyo dharka, waxaana xili meelo badan baaba’een halkaas tegay gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka.
Sawirro laga soo qaaday Suuqa uu xalay dabka kacay ayaa muujinayay sida uu gebi ahaan inta badan Suuqaas u baaba’ay, mana jiro wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay, maadaama uu kacay xili waqti dambe ah oo dadka Muqdisho ay wada hurdayeen.
Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka kaca daabab noocaan ah, waxaana inta abdan sababa Koronta ama dab si qaldan u gaara goobaha Ganacsiyada iyo guryaha ku yaalla Caasimadda dalka.