Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Xiisad Colaadeed oo ka taagan Gaalkacayo iyo Galmudug iyo Puntland oo Qarka u saaran in uu ka dhex qarxo-Video.

khilaaf weyn oo ka dhex taagan Maamulada Puntland iyo Galmudug kadib markii la isku qabtay arrimo ku saabsan garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Xiisadaan ayaa timid kadib  markii puntland ay shaacisay in 15 bishaan April oo maanta ku beegan ay dib u dhis ka bilaabi doonto garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, maadama ay Puntland dhowaan heshiis lagubalaarinayo garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo waxay la gashay dowladda Imaaraadka oo dhowaan la wareegtay dekedda Boosaaso.

Labada Maamul Galmudug iyo Puntland ayaa khilaafkooda la sheegayaa inuu yimid kadib markii labada Maamul ay isku qabteen lahaanshaha garoonka diyaaradaha gaalkacyo oo labada maamul ay isku maan dhafsan yihiin.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa gacanta ku hayo Maamulka Puntland, wuxuuna khilaaafka xoogiisa ka bilowday kadib markii Puntland ay bilowday Bur burinta dhulal ku dhow garoonka diyaaradaha oo dad shacab ah ay lahayeen, taasoo keentay inuu  ka cadhoodo Maamulka Galmudug.

Dhulkan ay beneyneyso Puntland ayaa la sheegayaa inuu ku yaalo Galmudug , sida warar aan heleyno ay sheegayaan , waxaana taas ay keentay in xiisadda labada maamul ay sidaas ku bilaabato, waxaana laga cabsi qabaa inay Xaaladu isku badasho gacan ka hadal.

Exit mobile version