Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Wasiirkii hore ee Dekeddaha Somalia oo xalay Muqdisho ku geeriyooday iyo Dardaaran Muhiim ah oo uu Soomaali uga tagay-Video

Nuur Faarax ayaa maalmahan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, isagoo lagu daweynayay Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer, kaddib markii maskaxda dhiig kaga furmay.

Dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa sheegay in xaaladiisa ay aheyd mid aad qatar u aheyd, isla markaana aanay suura gal aheyn in dalka dibaddiisa loo qaado.

Wasiirkii hore ee Dekedaha ayaa ka mid ahaa Wasiiradii Xukuumaddii hore Cumar C/rashiid oo lagu waday inay xilka wareejiyaan.

Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaa aaskiisa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Nuur Faarax Xirsi ayaa horay u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Malaysia, waxaa uu ka soo jeedaa deegaanada Somaliland, isagoo mar furtay Xisbi la magac baxay Gurmad, hase ahaatee ku guuldareystay inuu ka mid noqdo saddexda Xisbi ee Somaliland ka jira.

 

Exit mobile version