Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Wasiirka Waarfaafinta Soomaaliya oo ka warbixiyey Gurmadka loo fidinayo Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Muqdisho-Video

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa ka warbixiyay howlaha samata bixinta iyo gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Sabtidii magaalada Muqdisho.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Qatar iyo Kenya ay deeq daawo soo direen, oo loogu tala galay gurmadka dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhaawacyada kuwa liita loo qaadayo Sudan, isagoo xusay in dowladda Qatar ay dadkaas u qaadeyso Khartoum.

Wasiir Yariisow ayaa sidoo kale sheegay inay soconayaan dadaalo la xiriira howlaha gurmadka, isla markaana ka codsadeen beesha Caalamka sida loo keeni lahaa DNA lagu kala garto dadkii dhintay oo la aqoonsan waayay.

Eng. Yariisw ayaa sheegay in tirada dadka dhintay ay gaartay 281, isla markaana ay suura gal tahay in tirada ay sii kororto, halka dhaawacana ay gaarayaan saddex boqol oo qof

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay ugu deeqday dhaawacyada iyo dadka waxyeelada ka soo gaaray qaraxa lacag gaareysa Hal Milyan oo dollar.

Exit mobile version