WARARKA SOOMAALI

Daawo:Wasiir hore oo ka tirsanaa Maamulka Somaliland oo Hurdo u diiday Muuse Biixi,Runtana ka sheegay Hagardaamooyinka uu-Video

By Abdi rashid

October 31, 2017

Wasiirkii Hore ee Arimaha debeda maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo dhowaan ku Biiray Xisbiga Wadani ee C.raxmaan Cirro Hogaamiyo ayaa shacabka ugu Baaqay inaysan Codkooda Siinin Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Yoonis ayaa sheegay Inuu Muuse Biixi yahay Askari Islamarkaana aan la Mahadin doonin Dhibaatooyinka uu gaysto hadii uu Xilka Qabto, Wuxuuna Tusaalle usoo Qaatay dalal ka tirsan Afrika oo Askar ay Qabsatay, Dhibaatooyina laga dhaxlay.

Ugu Danbayntii Wuxuu ka jawaabay Eedaymaha loo jeedinayo Xisbiga Wadani ee ku saabsan Inuu Xidhiidh la leeyahay Xukuumada Soomaaliya.