WARARKA SOOMAALI

Daawo:Wasaaradda Amniga Somalia oo ka Hadashay Shacabkii Maanta ku Dhamaaday Muqdisho iyo Khasaaraha Qaraxii-Video

By A. Hindi

April 05, 2017

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Khasaaraha ka dhashay Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo ku qarxay Maqaaxi laga cunteeyo oo ku taala ka soo horjeedka Wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha oo lagu magacaabo Italian.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku dhimatay Qaraxaasi , waxaana sidoo kale jira dhaawacyo badan oo soo gaaray dadka wadada Maraayay, madaama goobtu uu Qaraxu ka dhacay tahay waddo ay dadweynuhu Isticmaalaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxan ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowladda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri oo u waramay warbaahinta Risaala ayaa sheegay 5-ta Qof ee Qaraxan ku dhimatay dhammaantood in ay ahaayeen dad shacab ah.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Wasiirka cusub ee Wasaaradda amniga shalay uu shaaciyay in isbedel cusub oo dhanka ammaanka ah laga dareemi doono Magaalada Muqdisho.

Wararka Horufadhi.com