HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Waqooyiga Kuuriya oo Soo Bandhigtay Awoodeeda Militeri Xili laga cabsi qabo Dagaal ka dhex Qarxa Mareykanka-Video

Waqooyiga Kuuriya ayaa maanta u dabaal degtay sanad-guuradii 105aad ee ka soo wareegatay dhalashadii Kim Il-sung oo ahaa aas aasihii dalkaas.

 

Munaasabadan oo aheyd tii ugu weyneyd muddooyinkan ayaa waxaa ka qeyb galay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un oo ka qeyb galay munaasabada ayaa la arkayay isagoo aad u faraxsanaa, dadkana u gacan haatinaya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Milateriga Waqooyiga Kuuriya ayaa dhoolatus ciidan ku soo bandhigay qeybo ka mid ah Caasimada Pyonyang, iyadoo la arkayay gawaarida xambaara madaafiicda iyo kuwa kale ee dagaalka oo socod ku maraya wadada.

Bandhiggan milateri ayaa muujinaya awooda waqooyiga Kuuriga ee xilligan, waxaana sare u sii kacaya xiisada xilligan ka taagan Gobolka.

Shiinaha ayaa ka digay dagaal xilligan ka dhaca Gobolka, oo dhex mara Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya, iyadoo Milateriga Mareykanka ay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen meel ku dhow xuduuda, iyaga iyo ciidamada Koofur Kuuriya.

Exit mobile version