WARARKA SOOMAALI

Daawo:Wadaad kale oo ka Daran Shiikh Rusheeye oo kasoo Baxay Magaalada Ceerigaabo iyo Dad badan oo uu Cunaha Qabtay-Video

By Abdi rashid

June 05, 2017

Iydoo Baryahanba ay soo badanayeen wadada siyaabaha kala duwan u Cilaajiya Dadka Xanuunsan ee ka Cabanaya Xanuunada Sixirka,Isha,Jinka iyo waxyaabaha kala ee lamid ka ah ayaa waxaa hada soo baxay Wadaado kala daran oo deegaanada Soomaalida ka sameynaya arrin ay ku sheegeen Cilaajin balse aan horey loogu arag.

Shiikh Cabdulxaq waxuu in mudo ah dadka Ku daaweynaye magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari isaga oo Deegaanada kala duwan ee Soomaalida looga keenay dad aad u fara badan kuwaas oo la sheegay in ay la xanuunsan yihiin iL,Sixir jin iyo waxyabaha noocaas ah wadaadkan ayaa xarun weyn ku lahaa Magaalada Booasaaso taas oo ay maalin kasta soo buux dhaafiyaan Kumanaan Qof oo daaweyn raba.

Hase ahaatee Wadaadkii Shiikh CabdulXaq ayaa dhawaanahan lasoo baxay arrin dadkii ka yaabsatay Culimadiina gees ilaa gees ka qayliyeen taas oo ah in uu Dadkii intuu meel fagaare ah ama dayr weyn la raadsado uu Rusheyn ku bilaabayo oo uu Biyo Cagaag ka buuxa ku daadinayo Dadka oo rag iyo Dumar is dhex fadhiya. FG:arrintan wuxuu ku sheegay Casharin!.

Socdaaal uu dhawaan ku tagay magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka iskiis ula baxay Soomaaliland ayaa muran xoogleh sii dhalisay kadib markii uu Shacabkii iyo dhamaan Dadkii Reer Hargeysa u iskugu geeyay Garoon weyn oo Kubadda Cagta lagu Ciyaaro kadibna uu Rusheyn kala daalay Dadkii Goobata iskugu Yimid oo Boqolaal ruux kor u dhaafayey.waxaana shacabka Reer Hargeysa ugu magaca Dareen Shiikh Rusheeye.

HALKAN RIIX DAAWO SHIIKH RUSHEEYE

Culimada Soomaaliland ayaa Afka Hal mar wada furtay isla markaana sida Fiinta uga qayliyey arrimaha yaabka leh ee uu Shiikh Cabdulxaq oo Boosaaso ka yimid ka wado magaalada Hareysa waxaana ay qaybteen Doodo iyo Muxadirooyin ay ku radinayaan arrimaha Rusheynta ee uu ka wado Hargeysa iyaga oo sheegay in ay tahay wax baal marsan Diinta islaamka iyo Dhaqanka Suuban arrintan uu wado Wadaadku,Walow uu isana iska dufaacay eedaha uga yimid wadada Soomaaliland isaga oo ku andacooday in uu yahay wadaad %70 reer Soomaaliland ah.

Iyadda oo ay ariintaas iyo muranka ka dhextaagan Shiikh Cabdulxaq iyo Culimada Hargeysa halkii ugu xumeyd mareyso oo ay marba marka ka dambeysa cirka sii galayso ayaa waxaa magaalada Ceerigaabo si lama filan ah isna hal mar uga soo baxay Wadaad kale oo Shiikh Rusheeyeba Fadhiiso yidhi!.

Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Xasan ayaa isna lagu arkay magaalada Ceerigaabo ee Gobalka Sanaag isaga oo meel weyn oo Fagaare ah dad ku Rusheynaya isla markaana ay iskugu yimaadeen Kumanaan ruux oo Dad kuwaas oo ka kala yimid deegaano kala gadisan isla markaana sheegay in ay u yimaadeen Xaanuuno haya darteed oo ay usoo doonteen daawo Xarunta AL-raxma oo ah Xarunta Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim uu ku daaweeynayo dadka.

Wadadkan ayaa ka yaabsaday guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee hore ula yaabanaa shiikh Rusheya oo arrintiisa muran ka taagnaa,balse tan uu sameyay wadaadkan ayaa dadka baraha bulshada ku qaadaa dhigaye waxay sheegeen in uu sahlanaa dhan kasta shiikh Rusheeye marka la isku eego arrimaha yaabka badan ee uu hada sameynayo shiikhan Magaalada Ceerigaabo lagu arkay.

Arrimaha yaabka badan ee aan diinta Islaamka iyo dhaqankeena suuban toona salka iyo raadka ku lehayn ee daaweynta wadaadkan lagu arkay waxaa kamid ah Dumar cunaha la hayo isla markaan Xabadka(Naasaha)Xoog feedh loogaga garaacayo taas oo ah arrin anshax daro ah isla markaana aan bananeyn.

Muuqaal ay heshay Shabakadda Wararka ee Horufadhimedia ayaa daboolka ka rogaya dhibaatada weyn ee uu wadaadkan Ceerigaabo ku hayo dadkii usoo daawo doontay waxaana muuqaalka ka muuqanaya isaga oo Tuumbo dheer oo nooca Baabuurta lagu Leebaajeeyo ah intu Biyo ka buuxiyey Dadka ku tooganaya Dumarka qaar ayaa daadanaya qaar kale Hagoogta ayaa ka dhacaysa qaar kale iyaga oo aan is ogeyn isla markaaa is leh xowliga Biyaha ay Tuumbadu tuurayso ka carar ayey is jiidhayaan waxaana muuqaalka qaybtiisa hore ka muuqata Dadku sida ay iskugu Bakhtiyeen Dadku Baraha Bulshada ku wada xidhiidha waxay isna ugu magac dareen Shiikh Leebaajo

HALKAN RIIX DAAWO SHIIKH LEEBAAJO

ilaa hada ma jirto Cid ka hadashay wadadkan kale ee kasoo baxay Magaalada Ceerigaabo oo aan ahayn Bulshada siyaabaha kala duwan ugu qaadaa dhigaysa arrimihiisa yaabka badan balse waxaan eegi doonaa Waxaa ay ka dhahaan Culimada Soomaaliyeed iyo Wadadii ku dheganaa Shiikh Rusheeyeba.

Wararka Horufadhi.com