HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Urur Diimeed Cusub oo Halmar ka wada Qaraxay Guud ahaan Somalia iyo Caalamka,Hargeysa,Garoowe,Muqdisho,Dhamaan xarumo-Video

Koox cusub oo la magac-baxdey “kuwa aan xaqqa la gabban ” جماعة الصادعون بالحق” ayaa 40 sanadood ka dib qafiskii qarsoodiga ahaa si kadis ah uga soo booday sida ay ka dhawaajiyeen.

Aasaasidda kooxdaan ayaa ka dhacdey dalka Masar waxaana xariga ka jarey hogaamiyahooda lagu magacaabo Mustafe Kaamil Maxamed oo Masar u dhashey oo ay ku wareegsan yihiin rag xayn ah, asagoo aqriyey bayaankii koowaad iyo labaad oo uu ku caddeynayo fikirka, aragtida kooxdaan, hawlaha ay damacsan yihiin mustaqbalka iyo in ay yihiin koox caalami ah xaruntooduna tahay Masar, laamana ku leh wadamada carabta qaarkood & Afrika sida Soomaaliya.

Kooxdani oo in muddo ah gabbanaysay, isla markaana ka xuub-siibatay magacii lagu yaqiinay ee ahaa “Jamaacatu Takfiir wal-hijrah”, ayaa waxey la soo baxeen istiraatiijiyad ka duwan tii is-qarinta ayagoo si weyn u adeegsanaya warbaahinta noocyadeeda kale duwan, isla markaana banaanka soo dhigaya wajiyada qaar ka mid ah hoggaankooda oo ay ku jiraan dad ka soo kala jeeda wadamo kala duwan sida Masar, Suudaan, Liibiya, Kuwait iyo Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO MUUQAALKA QAYBTA MUQDISHO

Waxaa dareenkeeda leh in wadankii koowaad ee baaqa kooxdaas ee kasoo baxey dalka Masar laga ajiibo uu noqdey dalkeena Soomaaliya ayadoo rag jilba culus ah oo tiradoodu badan tahay oo isugu jira aqoonyahan, culimo iyo ganacsato ay iska duubeen muuqaal af-Soomaali ah oo la mid ah kii amiirkoodu ka soo duubay Masar, Iyagoona Shirar ku qabtay Hargeisa, Muqdisho iyo Puntland meel ka mid ah.

HALKAN RIIX DAAWO MUUQAALA QAYBTA HARGEISA

Kooxdani sida bayaankeeda ka muuqday waxey ka soo horjeedaan una arkaan gaalnimo qaabka dawladnimada casriga ah sida barlamaan, dastuur iyo qawaaniin in la degsado, waxey kaloo shekki galiyeen muslinnimada dadka muslimiinta ah ee caalamka ku nool.

HALKAN RIIX DAAWO MUUQAALKA SHIRKA PUNTLAND

Ugu danbeyn culimada & dawladda Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa inay la fariistaan odoyaasha kooxdaan ee Soomaalida ah, ayadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay ilaalinta caqiidada dadkeena muslimka ah.. lagana qabto fikir kasta oo halis ku ah dadkeena, aysanna Soomaaliya noqon goob kale oo lagu tijaabiyo afkaar cusub oo sii kordhisa dhibka laga dhaxley afkaarta dibadda laga soo waariday, taasna macnaheedu aysan aheyn in diinta laga fogaado ama shakki la galiyo barashada diinta iyo ku dhaqankeeda.

Wararka Horufadhi.com

Exit mobile version