Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Ugaandha oo Ciidankii ugu badnaa usoo dirtay Somalia iyo Howlaha ay qaban doonaan oo laga yaaban yahay kuwii hore oo Buuxa-Video

Militariga Ugandha ayaa soo afjaray tababar lasiinayey Ciidamo gaaraya 1.845 askari oo lagu kabi doono kuwa kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Qorshaha ciidamadan ayaa ah in ay xoojiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan caasimada Soomaaliya iyo nawaaxigeeda, si ay u kabaan ciidamadii horey u joogay Soomaaliya oo qaarkood la filayo inay hawlgalo horleh ka fulin doonaan koonfurta Soomaaliya.

Gen.David Muhoozi oo khudbad usoo jeediyey ciidamadan ayaa ka codsaday in ay dhawraan Xaquuqul Insaanka iyo sumcada dalka Ugandha inta ay gudanayaan hawlgalkooda Soomaaliya, ayna si weyn uga feejignaadaan weerarada kooxda Al-shabaab. “…Barta oo fahma Dhaqanka Soomaalida iyo Islaamka, illaaliya xaquuqda shacabka. Si wanaagsana ulla dhaqma idinkoo aan awood adeegsan…” ayuu yidhi Taliyahooda Gen.Muhoozi.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa qaarkood sheegaan in Dhaqaalaha ugu badan ee Beesha Caalamka siiso Soomaaliya ay ku baxaan dhanka Amniga gaar ahaan ciidamada AMISOM, iyadoona aan weli si gaar ah loo qoondeen miisaaniyada dhismaha iyo Qalabeynta ciidamada Qaranka Soomaaliya oo ay weliba saarantahay Xayiraad ama cunaqabateyn ah dhanka hubka culus.

Wararka Horufadhi.com

Exit mobile version