WARARKA SOOMAALI

Daawo:Soomaaliya iyo Turkiga oo kala Saxiixday heshiisyo iskaashi iyo Qaaabkii Farmaajo loogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Turkiga-Video

By A. Hindi

April 27, 2017

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi ah, iyadoo wada hadalo labo geesood ah uu dhex maray Wafdiga Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Erdogan iyo Wasiiradiisa.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo labada dal dhex maraya, kaasoo kala ah dhanka horumarinta, dhaqaalaha iyo dhaqanka.

Shir jaraa’id oo labada Madaxweynaha ayay uga hadleen arrimo badan oo quseeya xiriirka labada dal oo meel aad u wanaagsan maraya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweyne Erdogan ayaa boggaadiyay dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu sheegay in Turkiga sii laba jibaareyso taageerada tooska ah ee uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Erdogan ayaa ku dhaleeceeyay Beesha Caalamka, in aysan ahmiyad weyn siinin kaalmeynta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka abaaraha oo aanay ka dhabeyn balan-qaadyo ay horay u sameeyeen.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad celiyay shacabka iyo dowladda Turkiga, waxaana uu tilmaamay in mar walba ay taageero la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana horay gacan uga geysteen arrimo badan oo horumarinta iyo dib u dhiska dalka ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyne Erdogan inuu booqasho ku yimaado Soomaaliya, sida ugu dhow, sida ay shaacisay Wakaalada wararka ee Anadol.

Wararka Horufadhimedia.com