WARARKA SOOMAALI

Daawo:Siilaanyo oo maanta Warbaahinta kasoo muuqday isaga oo Khudbad Ka akhrinaya Shaashad weyn oo la hor dhigay-Video

By A. Hindi

April 27, 2017

Hogaamiyaha Macmalka ah ee Maamulka Hargeysa ee Waqooyiga Somalia Dowladnimada beenta ka sheegta Ninka lagu magacaabo Siilaanyo oo sanadahanba xaalad adag ku sugnaa kadib markii ay lasoo daristay tii Da,ahayd ama Gabowgii ayaa maanta kasoo muuqaday warbaahinta isaga oo Khudbad ka akhrinaya Iskriin (Screen) ama dhalo weyn oo la hor dhigay kadib Qoraal  lagu soo daabacay.

Ujeedka ugu weyn iyo Muhiimada maanta Siilaanyo sariirta kasoo sara kicisay ayaa ahayd sidii uu Dadka ku dhaqan Deegaanada uu maamulkaas ka arrimiyo ugu boorin lahaa in ay qaataan Cardka Cod bixinta wuxuu ugu yeedhay isla markaasna ay Codka Siiyaan Xisbiga Kulmiye.

Siilaanyo ayaa Sanadihii u danbeeyay waxaa uu ahaa mid aysan Talo gacan ugu jirin marka laga hadlayo Xukunka Maamulka uu Gadhwadeenka ka ahaan jiray ee Somaliland la magac baxay waxaana taas badelkeeda Dalka Taladiisa iyo Siyaasadiisa marba dhanka ay doonaan u rog roga Xaaskiisa AMINA WARIS iyo ninka ugu magacaaban wasiirka madaxtooyada badanaa Hargeysa waxaaba looga yaqaanaa Ra,iisul wasaraha Maamulkaase.

Axmed Siilaanyo wuu indha dareeye xaalkiisa Caafimaadna marar badan wa laga dayriye walow ay maamulka Hargeysa arrintaas dafireen iyaga oo runta ka afeefanaya in ay shegaana waxay dhahaan siilaanyo xogaa Gabow ah Mooyaane waa fiican yahay.

Waxaan ognahay in Hada uu Xisbigan maanta siilaanyo Hadalka loogu soo qoray dhalada weyn ee Kulmiye uu caynaanka u hayo Ninka lagu eedeeyo in uu Xasuuqyo badan ka geystay wagii Jamhadii SNM deegaano badan oo ku abtirsada dhulka Maamulkaas ka arrimiyo waa Muuse Biixiye.

Muuqaalkan ayaa u muuqda mid uu soo adeegsaday Muuse Biixi Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye ee Maamulka Hargeysa oo ah Nin aan u dhalan Karti iyo Aftahamnimo uu kaga bixi karo marka ay taagan yihiin xaaladaha noocan oo kale ah iyo Siyaasadaha Khadhaadh ee dhexmara kooxda marba dhaxtaalo Kubadda Siyaasadu.

Mar kalena muuqaalkan waxaa la odhan karaa ama loo fasiran karaa Hiil iyo Abaabul uu Muuse Biixi dabadda ka riixayo oo ku wajahan Cabdiraxmaan Ciro oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo maalmahan Dagaal adag oo dhanka Afka ah uu kala dhaxeeyay Muuse Biixi.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO