WARARKA SOOMAALI

Daawo:Shirkii Madaxda Maamul Gobaleedyadda uga socday Kismaayo oo Maanta la soo gaba gabeynayo iyo War murtiyeed laga soo saarayo-Video

By Abdi rashid

October 10, 2017

Shirka Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa maanta la soo gaba gabeynayaa, iyadoo labadii cisho ee u dambeeyay Madaxda uu u socday shir wadatashi ah oo looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka.

Shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed, waxaana Madaxda ay labadii cisho ee u dambeeyay ay yeesheen doodo aad u kulul.

Qodobada shirka looga hadlayay ayaa isugu jiray kuwo qaarkood ay isku waafaqsanaayeen iyo kuwo la isku hayay go’aan ka gaaristooda.

Warar ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ay qorsheynayaan inay sameystaan Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda dowlad goboleedyada.

Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa in marka shirkooda u soo dhamaado ay dowladda Federaalka u soo jeediyaan tallooyin, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in iyagoo wadajir ah ay u imaan doonaan dowladda Federaalka.

Shirka Kismaayo ayaa ah kii u horeeyay ee ay yeeshaan Madaxda dowladda goboleedyada keligood ayaa waxaa ku waregsan doodo iyo shakiyo laga qabo, waxaana jira tuhun ah in shirkan ay ku leeyihiin gacmo shisheeye.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO