Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Saxafiyad ka warmaysa Shil dhacay oo Ninkeedu kamid ahaa Dadka ay dhimashooda Tabinayso-Video

Weriye u dhalatay dalka Hindiya ayaa ku ogaatay in ninkeeda uu dhintey war deg-deg ah oo ay si toos ah uga aqrineysay taleefishin balse waxa ay dhamaysatay aqrinta warka iyadoo aan laga dareemin wax naxdin ah.

Supreet Kaur oo 28 jir ah ayaa waxa ay subaxnimadii Sabtida akhrinaysay warka subax taleefishinka IBC24 ee magaalada Chhattisgarh bariga dalka Hindiya.

Saxafiyadan ayaa waxaa ay aqrinaysay war deg-deg ah oo ku saabsanaa shil gaari oo dhacay intii ay warka ku jirtey waxayna ka wareysatay shilkaa weriye goobta gaaray oo faahfaahin ka bixinayay sida uu shilku u dhaco iyo qasaaraha ka dhashay.

Inkastoo weriyaha la wareysanayay uusan sheegin magacyada saddex ruux oo shilka ku geeriyooday ayay hase ahaatee saxafiyada Kaur fahamtay in dadka shilka ku geeriyooday uu ka mid ahaa seygeedii ama ninkeedii.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Saxafiyada ayaa ogeyd in ninka ay u dhaxday uu wadada shilka ka dhacay uu ku safrayay isaga iyo saddex saaxibadiis ah,ayna safrayeen gaariga noociisu uu ahaa Renault Duster, weriyaha goobta tegey ayaa sheegay in gaari Renault Duster ah uu ahaa baabuurka shilka galay.

Laakiin,geesiyada Kaur ayaa sii waday dhamaystirka warka iyadoo aan wax dareen ah muujin waxayna warka aqrisay toban daqiiqo oo kale balse markii ay warka dhamaysay oo laga wareejiyay kaamerooyinka ayay oohin jabsatay.

Shaqaalihii ay ku wada sugnaayeen xarunta tvga ay ka howlgalaysay ayaa aad ula yaabay sida ay geesiyadan Kaur oo ah hooyo hal ilmo leh u adkeysatay

Exit mobile version