Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Adem, Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan labada aqal iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta kormeer ku tagey xerada Ciidanka Cirka ee degaanka Balli Doogleee gobolka Shabeellaha Hoose.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmey Ciidamaddii ku sugnaa xerada ee loo diyaariyey dib u xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab ee gobolka Sh. Hoose, isagoo ku ammaanay Ciidamadda dadaalada dheeradka ah iyo howlgalladda lagu dabar-goynayo kooxda Al Shabaab.