Deegaano Hoos yimaada magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ayaa waxaa Xalay ka Curtay Roobabkii GUGA iyadoo Halkaasi ay ka jirtay Xaalad Aabaareed iyo Xanuuno kale oo ka dhashay Abaarta Iyo Biyaha Adkaaday.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Roobabka oo ahaa Kuwa lagu liibaaney ayaa siwayn u helay Deegaanka Sooll-joogto, Dhilaalo iyo tuulooyinka ku xeeran, Waxaana Markiiba Dhulka galay Qiimaha Biyaha oo Markii hore ahaa mid aad u Sareeya, Iyadoona Booyadaha Biyahu ay Bilaabeen inay iibgeeyaan Xareeda.