WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Waftigiisa oo gaadhay Turkiga iyo kulamo dhexmaraya Madaxda Dalkaas-Video

By Abdi rashid

October 26, 2017

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la yeelan doona Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalkaas.

Mr Kheyre ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Ankara, waxaana uu shacabka iyo dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerida iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Waxaan uga mahed celin walaalaha Turki, sidii ay uga damqadeen dhacdadii 14-ka bishan ka dhacday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, taas oo shacab badan ay ku waayeen noloshoodii qaarna ay ku dhaawac meen ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqan doona dadkii ku dhaawac may qarixii isgoyska Zoope kuwaas oo la geeyay dalka Turkiga, si loogu soo daweeyo. Waxuuna indho indheen doonaa xaaladooda caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa madaxda wadanka Turki kala hadli doona xoojinta xiriika labada dal, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo waliba sidii loo sii dar dargalin lahaa mashaariicda uu dalka Turki ka wado Soomaaliya.