HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Qodobo kama dambeys ah oo laga soo saaray Colaada Koonfurta Gobalka Sool iyo Go,aamada labada Beelood-Video

iyadoo mudooyinkii u danbeysay ay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool ka soconayeen shirar Balaadhan kuwaas oo ay hormuud ka yihiin Culimaa udiinka Gobalka Sool,Saladiin iyo Waxgarad ka kala yimid deegaano kala duwan ,Waxgaradka iyo odayaasha labada Beelood ee dirirtu kiuu dhexmartay Koonfurta Gobalka Sool ayaa maanta kulan balaadhan oo ay ku yeeshen Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood waxaa laga soo saaray Qodobo kama danbeys ah.

Qodobada:

1: Dadkii dhintay ee Ragga Waxaa laga rabaa Qolokasta 33 Geella oo midkiba Lagu qiimeeyay 500$.
2: Wixii dumara ee labada dhinacba Waxaa laga soo qaaday 17 Geella oo udhiganta 500$.
3: Wixii la kala dhacay ee Hanti Iyo Gandhi ah aan cidna loo Raacin labada dhinacba.

 
4: Ciidii danbe ee gaysata Dil Badheedh ah in la qisaaso lana marsiiyo waxa ay ka qabto shareecadda Islaamka,Cidii kale ee wada Khakhal dhanka amaanka ahna lala soo socodsiiyo Gudiga nabad galyada labada dhinac.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO (Qodobada)

Dhanka kale Odayaasha iyo waxgaradka Labada Beelood ee walaha ah ayaa iyaguna intii maxakamadu socotay dhankooda isla qaatay Qodobadan ay soo saareen gudiga dhexdhaxadinta in la xoojiyo isla markaana aan dabada la marsan doonin cidii dambe ee Dil badheedh ah gaysata ee Sharciga la marisiin doono.

Sawiro.

Exit mobile version