Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Qarax Askar iyo Saaraakiil Sare ku dhamaadeen oo maanta ka dhacay Muqdisho wasiirka Amniga oo ka hadlaya-Video

Waxa ay warar dheeraad ah ka soo baxayaan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee ka dhashay xerada Ciidanka Gen. Dhega-badan Warshaddii hore ee Nacnaca Degmada Wadajir, halkaasi oo uu isku qarxiyay ruux ku labisnaa dharka Ciidanka.

Ninkan ayaa la sheegay in Ciidanka uu si caadi ah ugu imaan jiray xilliyadii hore wax shaki ahna aysan ka qabin Ciidanka, balse maanta halkaasi uu tagay isaga oo xiran dareeska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kadibna uu isku qarxiyay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxaa la xaqiijiyay in labo sarkaal oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya in ay halkaasi ku geeryooden, halka sidoo kale ay geeryoodeen Afar Askari.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay baaritaan wadaan oo ku aadan sida ninkaasi ay ugu suuragashay in tuutaha Ciidanka soo gashto.

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan Ismiidaaimnta ah ee ka dhacay xerada Ciidanka Gen. Dhega-badan Warshaddii hore ee Nacnaca Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya C/kaamil Macalin Shurki oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaasi, balse ay dib ka soo faah faahin doonaan.

 

Exit mobile version