WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maydka iyo Dhaawaca oo Wadada Daadsan Dhimashada oo Koradhay iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Qaraxii Muqdisho-Video

By A. Hindi

April 05, 2017

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta ku qarxay afaafka hore Maqaayad laga cunteeyo oo kutaala kasoo horjeedka Wasaaradaha Amniga iyo Dhalinyarad Isboortiga ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari nuuciisu ahaa Surf oo la dhigay maqaayada horteeda, mid kamid ah shaqaalaha maqaayada ayaa Warbaahinta u sheegay in ninkii waday gaariga uu goobta ka tagay markii uu baakimay uuna raacay gaari PL ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay 7-qof oo u badnaa dad shacab ah, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad ka badan 10-qof kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa xiray halka uu qaraxu ka dhacay waxa ayna sameeyeen baaritaano ku aadan qaraxan iyo dadkii goobta soo dhigay, mana jiro ilaa hada cid loo qabtay qaraxan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxan xoogan ee ka dhacay Muqdisho, dadka dhaawacyada uu soo gaaray qaarkood ayaa la sheegay in ay qabaan dhaawacyo aad u culus.

Qaraxyada iyo dilalka qorsheesan ayaa maalmahan kusoo kordhayay magaalada Muqdisho, waxaana inta badan masuuliyada qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada sheegta dagaalyahanada Al Shabaab.

Wararka Horufadhi.com@gmail.com