Doorashadii Maalintii shalay ahayd ka dhacday Deegaanada Maamulka Somaliland maxay ka dhigan tahay? walow Xisbiga Wadani uu aad u dhaliilay Natiijada Doorashada isla markaana uu ilaa hadda aaminsan yahay in Doorashada Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye kaga shubtay Hadana wadamo badan iyo Qaar kamid ah Beesha Caalamka ayaa amaanay Doorashadii ka dhacday Deegaanada Maamulkaas.
In kasta oo qaabkii markii Doorashadu bilaabatay Codeynta aad loogu dhaliilay Musuq Maasiq iyo wax is daba marin xooggan oo xitaa Beesha Caalamku ay shacabka amaantay halka Xisbiyaddana ay ku tilmaantay in ay wadaan wax laga xumaado oo aan inta laga qarsan karin.
Korjoogayashii Caalamiga ahaa ayaa sheegay haddii ay Somaliland ka dhici lahayd Doorasho sidii Shacabka Diyaarka iyo Biseylka badan u muujiyeen hadii Xisbiyaduna u cadaalad sameen lahaayeen in ay waji kale adduunka tusi lahaayen balse aysan taasi dhicin.
Hadaba maxay ka dhigan tahay Doorashadii Maalintii shalay Lagu kala baxay ee ka dhacday Deegaanada Maamulka Somaliland?