Sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Brett Velicovich ayaa ugu deeqay ciidamada Booliska Soomaaliyeed diyaaradaha Droneska.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in booliiska Soomaaliya ay heleen diyaaradaha sahanka ee drones-ka loo yaqaan oo aan duuliyaha wadin si ay ugu adeegsadaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.
Diyaaradahan ayaa la sheegay inay booliiska ka caawin doonaan la socodka shirqoollada iyo ka hortagistooda sida uu sheegay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Deeqdan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Trump uu kordhiyay taageerada milatariga ee lagula dagaalamayo ururka Alshabaab iyadoo horaantii bishan mid kamid ah ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaan SEAL uu mid kamid ah ku dhintey dagaal ka dhacay gobolka Sh/hoose.
Qaar kamid ah ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa loo tababaray isticmaalka droneskan loogu deeqay, waxayna shantan drone ay awood u leeyihiin in xilliyada mugdiga ah la isticmaali karo.