WARARKA SOOMAALI

Daawo:Magaalo ku taal Koonfurta Soomalia oo ay Itoobiya iyo Shabaab isku tuur tuuraan-Video

By A. Hindi

April 03, 2017

Dagaalamayaasha kooxda Al Shabaab ayaa dib ula wareegay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ciidammada Itoobiyaanka ee halkaa ku sugnaa muddo seddax sano ah ay isaga baxeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa Arrin naxdin leh ku tilmaamay ka bixitanaka ciidammada itoobiya, Waxaana la sheegay in Dagaalyahanada Al-Shabaab inay hadda gudha u galeen magaalada Ceelbuur.

Ciidamada Itoobiya ayaa seedax sano ka hor magaaldaasi kala wareegay kooxda Al-shabaab, Sidoo kalana Ciidamada Itoobiya ayaa shalay ka baxay Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay.