WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Xaaf oo Maanta la Caleema saarayo iyo Farmaajo oo ka qeyb galaya Caleemo saarka-Video

By Abdi rashid

May 29, 2017

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug lagu qabto munaasabad balaaran oo lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Magaalada Cadaado shalay iyo maanta waxaa gaarayay Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Xildhibaano , Wasiiro iyo madax kale kuwaa oo lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Munaasabada Caleemo saarka Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug , waxaa sidoo kale la filayaa in munaasabada ka qeyb galaan qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka.

Amaanka magaalada Cadaado ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaa inta badan xiran wadooyinka magaalada Cadaado, waxaa sidoo kale xiran goobaha ganacsi iyo kuwa waxbarashada ee kuyaala meelaha ku dhaw xarunta Madaxtooyada Galmudug.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO