HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Madaxweyne Farmajo oo la kulmay Dhaxal Sugaha Abu Dhabi iyo Waxay ka wada hadleen Somaliland iyo Puntland oo Cabsi aan seexan-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kula kulmay Caasimadda Abu Dhabi, Dhaxalsugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

 

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen, kana dhacay qasriga badda, ayaa looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal , qaabkii lagu xoojin lahaa, loona horumarin lahaa wax u adeega danaha wadaagga ah ee labada dal.

HALKA N RIIX DAAWO VIDEO

Intii kulanka uu socday ayaa lagu soo bandhigay dhinacyada iskaashiga ee labada dal ee dhinac kasta leh oo ay ku jirto mashaariic horumarineed oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay fulineyso oo u dan ah shacabka Soomaaliyeed, si dib loogu dhiso hey’adaha qaran ee Soomaaliya, loona gudbiyo kaalmooyin bulsho iyo mid samafal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay dadaalka dowladdiisa ay ugu jirto la dagaalanka argagaxisada iyo kooxaheeda si loo sugo amniga iyo deganaanshaha dhulka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay in Soomaalida ay uga mahadcelinayaan Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta taageeradeeda joogtada ah ee deganaanshaha Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay mudnaan iyo tixgelin siinayaan aragtida wanaagsan ee Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta.

Waxaana uu carabka ku adkeeyay  tixgelinta uu u hayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo hoggaankeeda taageerada xiriirka ah ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa , isaga oo sare yeelay kaalinta wax ku oolka ah iyo midda kalgaceylnimo ee Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu u haayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ay sii wadi doonto taageeridda walaalaha Soomaaliya, ayna ka caawin doonto dib u dhiska hey’adaha qaran si loo taageero amniga , deganaanshaha iyo horumarka, isaga oo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed barwaaqo, horumar iyo inuu ku rumoobo hiigsiga iyo yididiilada ay qabaan iskaashi, is taageerid iyo danaha qaranka oo la sarreysiiyo.

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu tilmaamay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ballan-qaadeyso sii socoshada xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya shacabka Soomaaliyeed, waxa kale oo yiri “Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waxa ay is garabtaagi doontaa, taageeri doontaa dadaalka Madaxweyne Farmaajo ee hiigsanaya amniga, deganaanshaha iyo horumarka, waxa ayna ahaan doontaa mid taageerta dadaalkaasi”.

Intii kulanka uu socday ayaa waxaa kale oo looga wada hadlay horumarada iyo xaaladaha gobolka iyo dunida ka taagan iyo arrimaha kale ee qiimaha u leh in la wadaago.

Kulankani ayaa waxaa ka qeyb galay dhanka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Dr. Anwar bin Mohammed Gargash Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Ali bin Hammad Al Shamsi kuxigeenka Xoghayaha guud ee Golaha sare ee amniga qaranka iyo Mohammed Mubarak  Al Mazrouei Agaasimaha diiwaanka Dhaxalsugaha Abu Dhabi.

Waxaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeybgalay kulankaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda Amb. Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Macallin Nuur Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Cali Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha iyo tiro kale oo mas’uuliyiin ah.

Waxaa sidoo kale fadhigani ka qeybgalay Safiirka Soomaaliya ee Abu Dhabi Cabdulqaadir Sheekhey Maxamed Alxaatimi iyo Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi .

Exit mobile version