Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo maanta Khudbad Cajiib ah ka jeediyay Munaasibadda Ciidanka Xooga-Video

Madaxweynaha Soomaaliya maxamed  Farmaajo oo maanta Khudbad ka Jeediyey Munaasibada Ciidamada Xooga dalka ayaa siwayn uga hadlay Xaalada dalka Soomaaliya, Wuxuuna Horayn  mid mid ugu yeeray Saraakiishii ciidanka xoogga dalka ee aaggaga dagaalka Muqdisho hoggaaminayay, Isagoona sheegay inay sidaas oo kale guud ahaanba dalka uga sifayn doonaan Al-shabaab.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Waxaa xaqiijineynaa muddo 2 sanno ah inaan Shabaab dalka ka ciribtirno” ayuu yidhi Madaxwayne Farmaajo.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay sida ay Dawlada uu Hogaamiyo uga go’antahay inay dalka Gaadhsiiso Doorasho Qof iyo Cod ah. ” Waxaa balan qaadayaa in doorashada soo socoto in qof walba uu codkiisa dhiibto” Ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayey Arimaha dhaqaalaha ayaa wuxuu sheegay inay Shaqo Abuur u samayn doonaan, Dhalinyarada SOomaaliyeed ee ku Nool Muqdisho, Somaliland, Puntland,  Galmudug, K/galbeed,  iyo Guud ahaanba dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah uga hadlay Arimaha Ciidamada, Wuxuuna sheegay in Musharakooda uu Bixiyey Labadii Bilood ee Xilka uu hayey, “Labo bilood ayaan joogaa, labada bilood ciidanka xoogga dalka mushaarkooda waa siinay”.

Exit mobile version