Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasabad ka dhacday wasaarada gaashaandhiga dowladda halkaas oo uu khudbad ka jeediyay. “Waxa loo dagaalayo naftiina kaliya maaha, waxaa difaaceysaan sharafka Soomaaliyeed iyo maqaamka aan aduunka ku leenahay”ayuu yiri
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Madaxweynaha iyo Taliska Militeriga ayaa ku balamay Arin muhiim ah “Ma ballan qaadeysaan inaan labo sano gudahood dalkan ku xoreyno, qarannimada Soomaaliyeed aan ka shaqeyno oo aan qabiil ka tagno?”, Waxaana ay Saraakiisha ku jawaabeen “HAA”, Madaxweynaha ayaa dhankiisa balan qaad usameeyay militeriga, wuxuuna sheegay inay Noqon doonaan Shaqaalaha ugu horeeya ee Qaata Mushahaarka.