Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Tababar u furay 600 oo dhalinyaro ah oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo Dhalinyaradan ay si mutadawacnimo uga qeyb qaadan doonaan difaaca dalka, iyagoo u huraya naftooda.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Boqolaalka dhalinyaro ayaa waxay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo furimaha dagaalka ku wehlin doona ciidamada xoogga dalka, sida ay sheegeen Saraakiisha ammaanka.
Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey dhallinyarada sida ay uga dhiidhiyeen falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku hayaan Shacabka iyo Goa’aanka geesinimada ah ee ay u qaateen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen difaaca dalka.
“Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhalinyaro ah oo ka jawaaba baaqaygii, una istaagay in ay nafootada u huraan dalkooda, in ay u dhintaa diintooda, in ay difaacdaan dadkooda. Waxaad tihiin Mustaqbalka Soomaaliya. Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhalinyaradiisa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta ay ku leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed horumarka dalka, isagoo sheegay in 70% boqolkiiba ay yihiin dhalinyaro, wuxuuna ku boorriyay dhallinyaradaasi in ay u istaagaan sidii dalka looga sifeyn lahaa Al-Shabaab ee dhibaatada iyo gumaadka ku haysa shacabka Soomaaliyeed.