WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay arrinta Dhismaha Ciidamada oo Buuq ka dhex abuurtay Bulshada iyo Mugdiga hadheeyay-Video

By A. Hindi

May 01, 2017

Madaxweynaha  Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshaha lagu sameynayo ciidamo isku dhafka ah ee ay yeelan doonto Soomaalya, Wuxuuna heegay in haatan tirada ciidamada dowladda aysan aheyn kuwa xadidan, laakiin qorshahooda uu yahay in la helo ciidamo awood uleh sugida amaanka dalka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa beeniyay in ciidamada kaliya aysan noqon doonin 18 kun oo askari, laakiin ay ku xirnaan doonto hadba awooda ay Soomaaliya uleedahay ciidamadeeda. “Ciidanku ma ahan 18 kun oo kaliya, laakiin waxaan sameysan karnaa boqol kun labo boqol iyo ka badan” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka kale sheegay ineysan jirin wax ciidan ah oo shaqada laga ceyrin doono oo xataa ay ku tala jiraan in ciidamadii hore qaarkood lasoo celiyo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka ah ee loo sameynayo Soomaaliya ay ka dhigan tahay in meesha laga saaro ciidamo qabiil gaar ah u adeega, isagana uu go’aankaas gaaray maadaama uu yahay taliyaha guud ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Hadalka asoo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay si weyn looga doodayay qorshaha dowladda ee ah in kaliya 18 kun lagu soo koobayo militeriga Soomaaliya.