HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:Madaxweyne Farmaajo booqday Xarunta Gurmad Qaran kana jawaabaya Telefanadda Dadka Dadkoodii ka maqan yahay,Taariikhi-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran oo ay ka socdaan hawlaha gurmadka iyo baadigoobka dadka lagu la’yahay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Zoobe.

Madaxweynaha ayaa khadka teleefanka kula hadlay dad la soo wacay xarunta oo baadi goobaaya dad ay ilaa haatan ku la’yihiin qarixii, waxa uuna u sheegay Madaxweynuhu in dowladdu ay samaynayso dadaal kasta oo wax loogu qabanaayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay dhallinyarada iskood isu xilqaamay ee howl-wadeenada ka ah barnaamijka Gurmad Qaran, waxa uuna ku bogaadiyey wadaniyadda ay muujiyeen iyo sida hagrasho la’aanta ah ee ay isu abaabuleen si ay dhibka ula qaybsadaan dadkooda.

Dhinaca kale, Madaxweynahu waxa uu tagay garoonka diyaardaha ee Aadan Cadde halkaas oo uu ku saagootiyey qaar ka mid ah dhaawacyada oo loo qaadaay dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa halkaas ka guddoomay Wasiirka caafimaadka dalka Turkiga Mudane Axmed Demirkaan tacsi uu ka siday Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha dalkiisa.

Wasiirka ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxa aan dhambaal tacsi ah idiin ka sidaa Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan iyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Bin Cali Yildirim. Waxa aan halkan u imaanay si aan idiin la qaybsanno murugada, markastana waa idiin muujinnaa in aan idin garab taagannahay.”

Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay garab istaagga Turkiga ay u sameeyeen Soomaaliya mid ay ka filaayeen, maadaama labada dal ay ka dhaxeeyso xirriir qoto dheer iyo iskaashi walaaltinimo.

“Turkiya shacab iyo dowlad, waa ku mahadsantihiin sida aad ugu damqateen walaalihiina Soomaaliyeed, waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday.”

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Exit mobile version