WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Puntland oo sheegay in Al-shabaab Maamusho Muqdisho iyo arrinta lacagta oo Farmaajo ay dusha ka saareen-Video

By Abdi rashid

September 02, 2017

Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhibaatada keentay in la diido lacagta Shilinka Soomaaliga ay masuul ka yihiin Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in diidmada lacagta Shilinka marka hore laga bilaabay in laga diido deegaanada gobolada Koonfureed gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab taas bedelkeedana dadku ay isticmaalayeen lacagta dollarka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in marka laga reebo deegaanada Maamulkooda Puntland deegaanada kale ee Soomaaliya uu ka Shaqeynayo Xukunka Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa imaanaya xili dhawaan deegaanada Puntland ay ka taagneed caqabad ka dhalatay diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga taas oo ay ka qeyla dhaamiyeen Madaxda Puntland.