WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Garoowe iyo Universal TV oo maanta Diriqi lagu kala Fur furay iyo Ganaaxyo la is dhaafsaday-Video

By A. Hindi

April 05, 2017

Makxmadda Gobalka Nugaal ee Maamulka Puntland  ayaa maanta waxa ay go’aan ka gaartay kiis la xiriira Dacwad ay Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland ka gudbisay Universal-TV, taasi oo horey TV-ga looga mamnuucay Degaanada Puntland. Dhageysiga kiiskan ayaa waxa uu qaatay dhowr jeer oo kala duwan oo marba marka ka dambeysa go’aanka Maxkamadda uu dib u dhacayay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Guddoonka Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay go’aanka ay gaareen in uu yahay in Universal-TV uu bixiyo lacag dhan 2,000 oo Dollar oo anshaxa la xiriirta, sidoo kalena Wasaaradda Warfaafinta ay bixiso kharashaadka intii uu xirnaa TV-ga.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Maamulka Puntland ee MAP Feysal Khaliif Barre ayaa markii uu soo idlaaday go’aanka Maxkamadda waxa u ka hadlay sida uu u dhacay xukunkan.

Feysal Khaliif Barre Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Maamulka Puntland ee MAP ayaa sheegay Maxkamadda in si taxadar leh uga fakartay go’aanka lagu xukumay Universal-TV, isaga oo sidoo kale sheegay go’aankan in uu ahaa mid guul ah.

Wararka Horufadhi.com