Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Maamulka Garoowe iyo Universal TV oo maanta Diriqi lagu kala Fur furay iyo Ganaaxyo la is dhaafsaday-Video

Makxmadda Gobalka Nugaal ee Maamulka Puntland  ayaa maanta waxa ay go’aan ka gaartay kiis la xiriira Dacwad ay Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland ka gudbisay Universal-TV, taasi oo horey TV-ga looga mamnuucay Degaanada Puntland.
Dhageysiga kiiskan ayaa waxa uu qaatay dhowr jeer oo kala duwan oo marba marka ka dambeysa go’aanka Maxkamadda uu dib u dhacayay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Guddoonka Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay go’aanka ay gaareen in uu yahay in Universal-TV uu bixiyo lacag dhan 2,000 oo Dollar oo anshaxa la xiriirta, sidoo kalena Wasaaradda Warfaafinta ay bixiso kharashaadka intii uu xirnaa TV-ga.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Maamulka Puntland ee MAP Feysal Khaliif Barre ayaa markii uu soo idlaaday go’aanka Maxkamadda waxa u ka hadlay sida uu u dhacay xukunkan.

Feysal Khaliif Barre Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Maamulka Puntland ee MAP ayaa sheegay Maxkamadda in si taxadar leh uga fakartay go’aanka lagu xukumay Universal-TV, isaga oo sidoo kale sheegay go’aankan in uu ahaa mid guul ah.

Wararka Horufadhi.com

Exit mobile version