Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Laascaanood Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo si adag uga hadlay Ninkii ku gafay Nebiga iyo arrimo kale-Video

Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo kamid ah Culimadda Soomaaliyeed ee waa weyn isla markaana ah shiikhul Baledka Sool ayaa ka hadlay maanta Nin dhawaan ku gafay Nebigeena Maxamed NNKh oo ku sugan magaalada Gaalkacayo ee Gobalka Mudug.

Shiikha oo maanta markii saladda Jimce la tukaday ka kacay Masjid Jaamac weyn ee Magaalada Laascanood wuxuu wax aad looga xumaado ku tilmaamay arrintii Ninkaas ku kacay wuxuuna sheegay in Umadda Soomaaliyeed ay ku qaadaan waxay ay shareecadda islaamku ka qabto arintaas.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale Shiikhu wuxuu amaan iyo bogaadin usoo jeediyay Culimadda Gobalka mudug oo uu sheegay in ay door muuqda ka qaateen sidii ninkan loo soo Bandhigi lahaa isla markaana looga digi lahaa umadda.

Shiikha ayaa ku dheeraaday ninkan markii laga wareystay arrinta uu ku kacay wuxuuna sheegay in Ninkan uu ka sii dareyba oo arrimo kale oo dambi weyn ah sii galay taasna ay dhabaha usii xaadhayso in lagu filiyo waxay ka qabto shareecadda Islaamka oo ah Dil.

 

Exit mobile version