WARARKA SOOMAALI

Daawo:Laascaanood Qaabkii Maleeshiyaadka Somaliland kusoo galeen Dagaalkii iyaga iyo Shacabka dhexmaray iyo Maalintaas sidii ay wax u dhaceen-Video

By A. Hindi

April 02, 2017

Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij ka baxay talafeeshinka Universal maalmihii la qabsaday magaalada Laascaanood, oo ay xilligaasi si maqaarsaar ah uga talinaysey Puntland oo iyadu uruursan jirtey dhaqaalaha ka soo baxa balse aanay jirin wax ay dib u gelin jirtey magaaladaasi.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dhinaca kale ciidanka maamulka Somaliland ee qabsaday waxay ku bilaabeen xadhig, dil gaadmo ah, aargoosi, baandow oo intuba la xidhiidhsanaa taariikho hore.Hadaba barnaamijkan waxaad kaga bogan doontaa raggii xilligaasi goobjooga ahaa oo si hufan uga xogwaramaya wixii ay goobjooga u soo ahaayeen,

Mararka qaarkood waa muhiim in la is xasuusiyo wixii berisamaadkii dhacay, waxaanad ka qaadan kartaa wax badan oo aanad ogayn, waxa hada taagana waad ku qiimayn kartaa, hase ahaatee ujeedada ugu weyn ee aanu ka leenahay baahinta barnaamijkani waa mid idin taalla, wax ka dhihideedu.