Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Jubaland oo war lama filaan ah kasoo saartay Dilka Sarkaal ka tirsan Shabaab-Video

Maamulka Jubbaland ayaa Faahfaahin ka bixiyay dagaal dhawaan ka dhacay degaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose oo lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Nuur Mahad Xasan Taliyaha Ciidamada Jubbaland ee degaanka Kudhaa ayaa waxaa uu sheegay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Kudhaa in ay  dileen labo Sarkaal oo ka tirsan Shabaab.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale waxaa uu sheegay labada nin ee la dilay in ay dhibaato badan ay ku hayeen Bulshada.

Dagaalka lagu dilay labadaasi Sarkaal ayuu sheegay taliye Mahad in ay kusoo furteen Saanad Ciidan.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay howlgal ka dhacay degaanka Kudhaa in ay ku dishay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Exit mobile version