WARARKA SOOMAALI

Daawo- Madaxda Gudida Nabadeynta beelaha Bah-arasame iyo Khayr Abdi oo si adag uga hadlay Colaada labada qoys-video.

By A. Hindi

April 11, 2017

Kulan dhanka Telefanka ah oo ay Xalay iskugu yimaadeen Jaaliyada  labada Beelood ee walalaha ah Qayaad (Khayr Cabdi) iyo Baharar-same ee Dirirtu ku dhaxmartay Koonfurta Gobalka sool ayaa kulan ay caawa yeesheen waxay soo saareen Baaq wada jir ah.

Maxamuud Ciise Bootaan Gudoomiyaha Jaaliyadda Labada Beelood ee Baharar-same iyo Khayr Cabdi ee UK iyo ku xigeenkiisa Cabdi Faarax Mahad iyo xubno kale ayaa shir dhanka Telefanka ah si wada jir ah u qabtay ayaa waxay baaq wada jir ah u direen labada Beelood ee walalaha ah Qayaad iyo Baharar-same.waxayna ugu baaqeen in ay si deg deg ah u joojiyaan Dagaalka isla mar ahaantaasna ay shuruud la,aan nabadda xasiloonida iyo wada noolanshaha deegaanka kusoo celiyaan.

Sidoo kale Gudiga Jaaliyada ayaa kulankoodan ku cabmaareeyay Coladiii foosha xumeyd ee shalay kasoo cusboonaatay deegaanadii hore waxaana ay tacsi si wada jir ah u direen Dadkii ku dhintay iyagoona kuwii ku dhaawacmay ilaahay uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Waxaa ay dhanka kale Baaq dheer u direen Odayaasha,Waxgaradka Culimada iyo dhalinyarada oo ay sheegeen in ay doorkooda ka qaataan islamarkaana xoojiyaan Geediga lagu doonayo sidii nabad iyo deganaan shaho buuxa looga dhexdhalin lahaa Beelaha walalaha ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Gudigu waxay labadda Beelood waa Khayr Cabdi iyo Baharar-samee labadoodaba si kore ugu sheegeen in ay labada dhanba ku jiraan Dad xun oo hurinaya Colada iyo dhiiga Dadka Walalaha ah sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay labadda dhanba ku jiraan Dad wanaaga Nabadda iyo Xasiloonida jecel mar kastana ku howlan iyagoo oo sheegay in lala shaqeeyo kuwa wanaaga ku howlan iyo dadaalka nabadda si loo qabto loogana hor tago kuwa wada xumaanta iyo Colaadda.

Dhalinyaradda labadda Dhinac ayey sidoo kale Jaaliyadda Labada Beelood waxaa ay ugu baaqeen in ay qoriga dhigaan oo nabadda qaataan una tudhaan Dadkooda walalaha ah ood-wadaagta,Isku Abtiga isku adeerka iyo isku Sodogga iyo Habaro-waadaagta midhan ah in ay wax ku qaataan oo ay doorkooda ka qaataan geediga nabadda.

Wararka Warbaahinta Horufadhi.com