Waxaa warbaahinta la hadlay Gudoomiyihii Degmada Burtinle ee Maamulka Puntland Liibaan Xirsi Khaliif isaga oo sheegay sababta uu ula soo xidhiidhay warbaahinta Khaatumona ay tahay in uu raali galin ka bixiyo Hadalo gaf ahaa oo dhawaan bartiisa Facebook lagu baahiyay kuwaas oo meel ka dhac iyo degasho ku ahaa shacabka reer Buuhoodle ee xanuunsan.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Liibaan Xirsi Khaliif ayaa raalin galin u diray guud ahaan shacabka reer khaatumo gaar ahaan shacabka reer Buuhoodle oo uu sheegay in uusan arrintan filayn isla markana aysan ahayn wax isaga si kas ah uga dhacay ee ay tahay warbixin iyo qoraal si khalad ah loogu baahiyay bartiisa Facebook.