WARARKA SOOMAALI

Daawo:Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir oo Muqdisho soo gaadhay iyo Shacabka Muqdisho oo Fadhiga ka kacay Calamada Ruxmanaya-Video

By A. Hindi

April 13, 2017

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed , oo xilkaasi loo magacaabay isaga oo ku sugan dalka Mareykanka.

Gudoomiye Taabid Maxamed waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya , Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka , Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada iyo xubno kale.

Diyaarad qaas ah ayaa la sheegay in Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir kasoo raacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ku sugnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxa uuna hada Muqdisho u yimid sidii uu xilka ula wareegi lahaa.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sida aan Wararka ku heleyno Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa Xilka kala wareegaya Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen maalinta sabtida , waxaana hada socota qaban qaabada munaasabada xil wareejinta.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa kamid ahaa xubnihii sida weyn ugu ololeenayay Madaxweyne Farmaajo intii ay socotay doorashada Madaxweynaha, waxaana lagu abaal mariyay Taabid in laga dhigo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.