WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Guddiga qaban qaabada xuska xoriyadda oo ka hadlay Arrin muhiim ah

By Xuseen Post

June 01, 2021

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda dalka Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Guddiga ay hortaalo howlo balaaran.

Wasiir Dubbe ayaa tilmaamay in shaqada ugu horeyso ee Guddiga ay tahay diyaarinta iyo weyneynta xuska 61-guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ee 26-ka Juun. Midowga Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luulyo.

“Waxaan rabnaa inaan si weyn u weyneyno waa 61 guuradii ka soo wareegtay markii la saaray calan Soomaaliyeed oo ugu horeysay 26-ka Juun iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur iyo xornimadii Gobollada Koonfureed marka la isku wada darro, munaasabadaas oo dhan 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo waxay noqon doonaan, maalmihii xoriyadda, maalmihii Qaranka oo runtii inoo ah maalmo sumad gaar ah inoo leh, Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto’. Ayuu yiri Wasiir Dubbe

Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada todobaadka xoriyadda ayaa xusay in wada hadallada dowladda  Federaalka iyo Somaliland ay meel fiican soo gaareen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARBIXINTA

Ugu dambeyn Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland ay kulmeen muddo labo jeer ah, iyagoo isla meel dhigay arrimo badan, shacabkuna ay kalsooni badan ku qabaan.