WARARKA SOOMAALI

Daawo:Galmudug oo ku Hanjabtay in ay Joojin doonto Doorashada iyo sababta-Video

By A. Hindi

April 29, 2017

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug Maxamed Xasan Geelle oo maanta Shir jaraa’id Ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa si faah faahsan uga waramay Sababta keentay in dib udhacdo Doorashada.

Berri waxaa la filayey in Doorashada ay dhacdo balse waxaa dib loo dhigay muddo Seddex maalin ah sabab lagu sheegay culeysyo jira.

Warar hoose ayaa sheegaya in Dawlada Soomaaliya ay codsatay in dib loo dhigo Xilliga doorashada si mas’uuliyiin katirsan Dawlada Dhexe ay ka qeyb galaan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

1 Bishaan ayaa la filayaa inay doorashada Murashaxiinta ka qeyb galeysa la dhageysan doono Khudbadahooda kadibna doorashada 3 Bisha ay dhaceyso.

Maxamed Xasan Geelle waxa uu sheegay in Hadii Mar kale ay doorashada dib udhacdo uu xilka Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Galmudug uu iska casili doono.