WARARKA SOOMAALI

Daawo:Gabadh Soomali ah oo Tuuga Madow ah Maali cadey ay ka xadeen Gabihii Dharkii iyo Mobilkii Murugada iyo oohinta-Video

By A. Hindi

April 10, 2017

Gabar Soomaali ah oo ku nool dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in Maalin Cad ay Tuugo Madoow ah ay dhac fool xun u geysteen iyadoona ay ka dhaceen lacagtii ay haysatey islamarkaana ay ka qaateen Teleefoonkeedii gacanta.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Gabadhaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Xaliimo Xasan oo ku nool magaalada Columbus ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay ku sugneyd goob shidaale ah si ay gaarigeeda ay shidaal ugu shubato ayadoona ay halkaas ay weerar ku soo qaadeen ilaa 3 nin oo tuugo madoow ah halkaas oo mid ka mid ah tuugadaas uu gabadhaas ku qabtey qoorsagaaro islamarkaana uu ka xoogay boorsadeedii gacanta taas oo ay ugu jirtey lacagtii mushaarka oo ay soo qaadatey, sidoo kale ayuu tuugaas waxaa uu ka qaatey gabadhaas Soomaaliyeed teleefoonkeedii gacanta inkastoo ay Booliisku dib ugu soo celiyeen Teleefoonkaas oo laga helay meel aan ka fogeyn goobta uu falkaas ka dhacay iyadoona ka dibna ay goobtaas ka baxsadeen tuugadaas