WARARKA SOOMAALI

Daawo:Farmaajo“Afar sano Gudahood Muqdisho,waxaan ka dhigayaa Magaalada ugu Qurxoon Afrika,,-Video

By Abdi rashid

May 16, 2017

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay 15ka may ayaa shaaca ka qaaday in isbadal muuqda dowladiisa ku keeni doonto magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in afarta sano ee soo socota ay ka go’an tahay dowladiisa in magaalada Muqdisho uu ka dhigto magaalada Afrika ugu quruxda badan, uguna nadaafadda badan marka dhinac kasta loo eego.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

”Magaalada markaad aragtaan meel walbaa wasakh ayaa taalla, waxaan bilaaabeynaaa ololaha dalkaaga wax u qabso, bishii laba saac kaliyah arrintaan aan ka shaqeynno anigaana bilaaabaya INSHA ALLAH, waxaan rabnaa in Muqdisho afar sano gudahood noqoto magaalada ugu quruxda badan Afrika” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyered in ay ka qeyb qaataan horumarka caasimada iyo sidii amaan looga dhigi lahaa, waxa uuna balan qaaday in dowladiisa diyaar u tahay in ay la timaado wax qabad muuqda.

Waxa uu ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya shacabka Soommaaliyeed in ay bixiyaan lacagaha canshuuraha ee ku waajibay, waxa uuna xusay in uu doonayo in magaca canshuur loo badalo Qaaraan Qaran hadii ay Baarlamaanka ansixiyaan.

Madaxweynaha ayaa ku faanay in Sadexdii bil ee dowladiisu jirtay ay ku guuleesta waxyaabo badan sida bixitaanka mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha rayidka , waxa uuna tilmaamay in dowladiisa mudo yar ka shaqeysay soo celinta karaamada Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Soomaaliyeed ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan 15ka may, waxa uuna ka codsaday dadkii Munaasabada ku sugnaa in a u duceeyeen 13kii dhalinyaro ee aas aasay Urukii gobonima doonka ee SYL.