Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax loo adeegsaday Gaari Hoomey ama caasi ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, kaasi oo ka dhacay Kontoroolka Tiyaatarka ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Qaraxan in uu ka hortagay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, halkaasina uu ku geeryooday.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Waxa uu sheegay Afhayeenka Qaraxan in ay ku dhinteen 5 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 10 ka badan oo Haween ay ku jiraan.
Sidoo kale C/fataax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay Qaraxan in uu geysan lahaa khasaare badan, hadii aan laga hortagin.
Halka uu Qaraxu ka dhacay, ayaa ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana uu Qaraxu ku soo aadayaa, saacado yar uun ka dib, markii Ra’iisal Wasaare Khayre uu soo magacaabay Golaha Wasiirada.
Wararka Horufadhi.com