Waxaa xalay fiidkii ka dagay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga diyaarad siday dhaawacyada 35 ruux oo ka mid ahaa dadki si daran ugu dhaawacmay weerarki Sabtidi hore ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Diyaarada siday dhaawacyada ayaa waxaa magaalada Ankara kusoo dhaweeyay Saraakiil iyo diblamaasiyiin isugu jira Soomaali iyo Turki.
Dadka gaaray Garoonka Ankara ee soo dhaweynaayay dhaawacyada iyo dadkii la socday ayaa waxaa kamid ahaa ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Turkey oo ay ka muuqatay qiiro aan lasoo koobi karin.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Caydiid, Shaqaalaha Safaarada iyo Madax ka tirsan Dawlada Turkiga ayaa garoonka ku Qaabilay, Waxayna sheegeen inaysan ka go’i doonin Qalbigooda dhacdadii ka dhacday Muqdisho, iyagoo tilmaamay inaysan ka daali doonin is garabtaaga dhaawacyada iyo ehelada la socda.