Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Dagaal Khadhaadh oo ka Qarxay xadka Hirshabeelle iyo Galmudug Guryo Gubanaya iyo Rasaasta oo toos u dhacaysa Deegaanka-Video

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo beelo walaalo ah ku dhexmaray xaduuda udhaxeysa maamulada Hiirshabeelle iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay dhul biyood la isku haysto, dhinacyada dagaalamaya ayaana ah dad reer guuraa ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ku dhawaad 20 qof ayaa la xaqiijiyay geeridooda halka tiro intaas ka badana ay dhaawacmeen, sidoo kale waxaa dab la qabadsiiyay xaafado u yaal halka lagu dagaalamay.

Masuuliyiin kasoo jeeda deegaanadaas ayaa xaqiijiyay in xataa dadka dagaalamay ay gubeen booyado biyo waday xili deegaanadaas ay abaaro xoogan ku dhufteen.

Cabdi Kariim Nuur Xasan Doobyare oo kamid ah wasiirada maamulka Hiirshabeele ayaa sheegay in maleeshiyo beeleedka ay wali is horfadhiyaan isla markaana laga cabsanayo in dagaalo kale ay dhacaan.

Wararka Horufadhi.com

Exit mobile version