HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Culimada iyo waxgaradka Gobalka Sool oo si adag uga hadlay Marxuum Xalay lagu Dilay Laascaanood kuna baaqay in nabadda Lasii adkeeyo+Fariin-Video

Gudiga Nabadaynta labada beelood ee Bahrarsame iyo Khayr Cabdi ayaa ka tacsiyadeeyey geeriii xalay ku timid Marxuum Jaamac Cabdi Wali kaasoo lagu dilay habeenimadii xalay magaalada Laascanaood .

Gudigan ayaa waxaa ay Codsi u direen Beesha Bahrarsame Ciimadamada gobolka iyo Gudoomiyaha gobolka Sool inay gacanta (gudiga nabadayta) u soo geliyaan gacan ku dhiiiglaha dilay marxuumka .

Waxaana ay gudigu sheegeen inay beesha Bahrarsame oo iyadu hada isku maqan tahay isla markaana Jawaabteeda laga sugayo Saacadaha Soo Socda inay isku afgarteen inay si dedaalada nabadeed ee labadan beelood looga midho dhaliyo loo baahan yahay in cidii wax disha ee ka tirsan labada beelood la soo qabto isla markaana la mariyo sharciga.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ah Shiikhu baladka gobolka,  Sheekh Axmed Jaamac gudoomiyaha gudiga nabadaynta, Sh. Axmed Maxamed Sulaymaan, Gudoomiyaha gudiga Abaaraha gobolka Sool Sh Saciid Muuse Xaaji Nuur ,gudoomiyaa xafiiska dacwada gobolka Sool iyo xubnaha kale ee gudiga ayaa waxay sheegeen in hadii shakhsi aan nabada doonayn uu laayo xubo ka tirsan labada beelood aanay ogolaan doonin in la baabi’iyo nabada labadan beelood dhiiga labadan beelood uu u sii socdo .

Wararka Horufadhi.com

Exit mobile version