Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa waxaa ka dhacay Banaanbaxyo Rabshado Wata, Kadib markii lagu dhowaaqay inuu Muuse Biixi Noqday Madaxwaynaha Somaliland.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Burco ayaa waxaa siwayn ugu Xoogan Xisbiga Wadani oo isagu maalintii Shalay Qaadacay Natiijo kasta oo kasoo Baxda doorashada, Waxaana Xusid mudan in Goobtii maanta lagu shaaciyey Guusha Muuse ay ku Sugnaayeen Xubnaha Xisbiga Kulmiye oo keliya.
Magaalada Burco ayaa waxaa Saaka Gelinkii hore lagu arkay Ciidamadii ugu badnaa oo ku sugan magaalada, Waxaana Ciidanka loogu baaqay inaysan Rasaas u adeegsan dadka shacabka ah.