Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Cabdiweli Gaas oo markii uu soo Xaraashay Dekedda Boosaaso aan ku leex leexan Garoowe ee Gaalkacayo toos uga degay iyo wuxuu-Video

) Madaxweynaha Maamulka Puntland  ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta uu ahaa mid guul weyn u soo hooyey Puntland iyo shacabkeeda madaama uu saxeexa mashruuca balaarinta iyo dib u casriyaynta dekeda magaalada Boosaaso uu wax weyn ka bedelidoono guud ahaan kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland, isla markaana ay ka qayb qaadan doonto horumarka ay ku heegan yihiin Puntland iyo shacabkeedu.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dhinnaca Kale, Madaxweeynuhu  wuxuu uga mahad naqay cidwalba oo ka shaqaysay nabadaynta iyo xasilinta maagaalada Gaalkacayo, waxaana uu ugu baaqay shacabka Gobolka Mudug inay gacmaha is qabsadaan isla markaana ay ka wada shaqeeyaan wax kasta oo ay ku jirto maslaxadoodu.

Gabagabadii,  Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu Illaahay uga baryey inuu ummadiisa ka dulqaado abaarta madar khayr qabana uu siiyo oo ay kaga raystaan abaarta daba dheeraatay ee ku habsatay mudada dheer.

Exit mobile version