Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Cabdiweli Gaas oo ka hadlay Dagaalkii shalay Ciidanka badan looga dilay,una qayshaday Dowladda dhexe iyo Beesha Caalamka-Video

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Garoowe kadib muddo 24 saac ah oo uu ka aamusnaa dagaalkii ka dhacay deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Cabdiweli Gaas oo hadal kooban warbaahinta siiyay, ayaa wacad ku maray inay Puntland ka sifayn doonaan kooxaha Daacish iyo Shabaab.

Dowladda Federaalka Somalia iyo beesha Caalamka ayuu ka dalbaday inay ka qayb qaataan howlgalka ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ah ee duullaanka kasoo qaaday Puntland sida uu hadalka u dhigay, Wuxuuna xusay in kooxdaas weerar kusoo qaaday tuulada Af-urur islamarkaana xasuuq ugu gaysteen dad shacab ah.

 

Exit mobile version